Karaash : Xilli lays qabqabsado lama joogo !!

Qore : Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan

Farmaajo & KHeyre, Nidaamka
Federal-ka codka dad-weynaha
waa ku aamini waayeen marka
waa inay xoog ku dumiyaan!

Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland waxay u ekeyd inay ka soo gudbay xilligii ugu adkaa ee doorashada oo ay duulaan qaawan ku soo qaaday dowladda Federalka iyadoo ujeeddadeedu tahay inay burburiso nidaamka iyo maamulka Soomaaliyeed ee halkaas ka dhisan.

Sida laga war hayo xilligaas waxay dowladda federalka adeegsatay madax-weyne ku xigeenkii dowladdii xilka ka tegaysay Cabdi-Xakiim Cameey, oo warar dhowaan soo baxay oo aan la xaqiijin ay sheegayeen in hawshii uu qabtay iyo dagaalkii siyaasadeed ee uu ku qaaday maamulkii uu isaga madax-weyne ku xigeenka ka aawgii lagu abaal mariyay xil diplomat-siyadeed.

Runtii waxay ahayd dagaal bareer ah oo ay dowladda federal-ka ah si cad ugu xad gudubtay xeerarkii dastuuriga ahaa ee maamul goboleeddada xubnaha ka ah dowladda federal-ka, waxayna Puntland soo gelisay lacago malaayiin dollar ah oo ay ku taageeraysay murashaxiin gaar ah oo ay soo maal gelisay, wuxuuna ku talo galkeeda ahaa haddii ay murashaxiintaas so bixi waayaan inay lacagahaas suuro geliyaan marino siyaasadeed ee horseedi kara burburinta maamulka Puntland!… Sida ay hadaba ula dhaqantay maamulkii Gal-Mudug!

Hasa yeeshee, arrintu ma aha sida inay dad badan qabaan laga yaabo oo ah in dagaalkaas iyo colaadda ay Farmaajo iyo KHeyre ku hayaan maamul goboleeddada uu yahay mid loogu danayniyo ummadda Soomaaliyeed,

laakiin waxaa shaki la’aan ah inay jirto dan iyaga gaar u ah oo ay nidaamka federal-ka ah ku diidanyihiin, maxaa yeelay nidaamka federal-ka ah iyo dastuurkiisaba waxaa loogu talo galay inay dad-weynaha u codeeyaan oo iyagu go’aan ka gaaraan, waxaana la moodaa in Farmaajo iyo KHeyre ay ka cabsanayaan in dad-weynuha u codeeyaan nidaamka federal-ka sidaas daraadeedna ay rabaan inay xoog ku hor joogsadaan codeyntaas si uu u dhicisoobo!…Waxaana arrin cad ah oo aan shaki ku jirin in barnaamijkooda siyaasadeed uu gun dhig u ahaa burburinta nidaamkii federal-ka ahaa ee ay isku raaceen kuna soo heshiiyeen siyaasiyiinta iyaga ka horeeyay si colaadihii jiray looga soo gudb. Waxay dagaalkii u horeeyay ku qaadeen Golihii-SHacabka oo hadda gaaray xataa magaciisa inaan la maqal, ama heer laga shakin karo jiritaankiisa, si ay meesha uga saaraan hay’addii ku ilaalin lahayd sharciga, waxay inkireen oo ilaa iyo hadda aysan aqoonsaneyn oo magac u yaal ay ka dhigeen Aqalkii Sare, waxayna iyagoo lacago isticmaalaya maamul goboleeddada ku dhex yeesheen dad ka dhex fuliya barnaamijkooda ay ku duminayaan maamul goboleeddada, waana olol ay wadayaan ilaa inta xilka hayaan.

Waxaa iyadana xusid mudan in maamulka Jubba-Land uu sidii ugu haboonayd ula dhaqmay nidaamka Farmaajo iyo KHeyre ee ku xad gudbay dhammaan xeerarkii iyo wixii ay ummaddu ku heshiisay ee cahdiga u ahaa!… Sida hadda muuqatana waxay dalkii dib ugu celiyeen in mar kale siyaasiyiinta dalka ay marti u noqdaan dalalka deriska ah sida; Itoobiya iyo Kenya, waxaana sida ay ku socoto ay halis u tahay inay arrimuhu sii adkaadaan.

Marka shaxda ka socota Kismaayo la fiiriyo waxaad moodaa in Farmaajo iyo KHeyre colaadda ay la galeen Jubba-Land aysan dhammaad lahayn waliba marka laga eego qanac la’aanta dowladda iyo sida ay u inkirsantahay dhammaan xuquuqda siyaasadeed ee madaxda maamullada xubnaha ka ah federal-ka…Balse ka waran qaylada madax-weyne ku-xigeenka Puntland AXmed Cilmi Cismaan (Axmed-Karaash)?…

Arrintu sow uma
eka Weedha Naaso-Adag
iyo Weysha soo daynteedii!

Run ahaantii, warqadda uu soo saaray madax-weyne ku-xigeenka Puntland Axmed-Karaasha ayaa u muuqata mid ka marqaati kacaysa tuhunkii horay looga qabay ee ahaa inuu yahay nin ciyaara doorar badan marka ay timaado khilaafka maamullada kala dhexeeya dowladda federal-ka, Axmed-Karaasha ayaa dadka la shaqeeya ayaa ku eedeeyaan inuu yahay nin aad u madax taagis badan, oo wuxuusan isaga rabin sharci kasta ay yihin aan la marsiin Karin sidaas daraadeedna waxay dadka ku dhow-dhow maamulka Puntland rumaysanyihiin in mar kasta wada shaqaynta ka dhexeysa isaga iyo madax-weynaha Puntland Saciid Cabdull aahi Deni ay tahay mid kooban iyadoo inta badan uu madax-weyne Deni iska dhowrayo in isaga madax-weyne ku-xigeenka iska hor immaad dhex maro…

Axmed-Karaash ayaa waxaa horay loogu eedeyniyay inuu hor istaagay in bartii koontaroolka ee Garowe magaallada laga saaro, waxaana jiray warar bishii hore soo baxay oo sheegayay inuu shir gaar ah la qaatay qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka ee deegaankii loo rari lahaa koontaroolka isagoo markaas sida la yiri kula dardaarmay inay diidaan oo ay ka hor yimaadan loo raro bartaas gaadiidka magaallada soo gelaya lagu baaro. Si kastaba ha ahaatee bartaas gaadiidka lagu baaro ayaa waxaa mar hore amar ku bixiyay in magaallada bannaanka looga saaro madax-weyne Deni, hasa yeeshee bartaas ayaan wali la rarin sababo aan la sheegin aawgood.

Warqadda uu soo saaray madax-weyn ku xigeenka Puntland ee uu u diray guddoomiyaha Golaha SHacabka Puntland, DHoobo-Daareed ma ahayn in lagu faafiyo war-baahinta maadaama ay xafiis gaar ah ku socotay arrinkuna ma uusan gaarsiisanayn heer la sii mariyo saxaafadda maadaama aan wali natiijo aan laga gaarin, arrintaas waa aqoon daro in badan oo siyaasiyiinta Soomaaliyeed ka mid ah haysata, xataa marka aad fiirisid meelaha loo diray warqadda kama mid aha saxaafadda waxaad arkaysaa waraaqdii ama warkii oo la faafiyay, waxayna arrintaas horseeddaa ama sida marar badan dhacday keentaa in arrin ay suuro gal ahayd in la xaliyo ay faraha ka baxdo…

Laakiin arrinta madax-weyne ku-xigeenka Puntland ee la xiriirta warqadda uu kaga hor yimid guddiga doorashada ee uu magacaabay madax-weynaha Puntland ayaa durba dadka badankii waxay ku macneeyeen inay tahay taageero uu u muujinayo madax-weyne Max’ed Cabdullaahi Farmaajo iyo ra’iisal wazaarihiis KHeyre, waxayna leeyihiin waxay jawaab u tahay hambalyadii uu madax-weynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni u diray guddoomiyaha cusub ee Golaha SHacabka ee Jubba-land ee la doortay, iyadoo sida laga war hayo uusan madax-weyne ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Karaash uusan haba yaraatee wax taageero ah u nuujin maamulka Jubba-Land intii xoogeystay khilaafka xagga doorashada ee iyaga iyo dowladda federalka ah u dhexeeya!…

Waxaa shaki la’aan ah in haddii doorashada Jubba-Land ay u dhacdo si ka madax bannaan fara-gelinta ay Farmaajo iyo KHeyre ku hayaan is-maamulka gudaha ee maamul-goboleeddada ay taasi macnaheeda noqonayso tallaabo loogu hiiliyay dastuurkii ay gabeen Golihii SHacabka Soomaaliyeed, isla markaasna ay cashar u noqonayso madaxda dowladda federal-ka ah ee hadda jooga iyo kuwa soo socda, waxaana dad-weynaha Puntland iyo kuwa Jubba-Land ee xiisadda iyo qalqalka laga dhex aloosayo la gudboon inay ilaashadaan nidaamka ay dhisteen, hana ku quustaan sida loo burburiyay maamulkii iyo nidaamkii walaalahood Gal-Mudug!