Axmed Madoobe oo ka adkaadey Villa Soomaaliya

ØWaxay hada u muuqataa in loolankii Doorashada Jubbaland ee u dhexeeyey Villa Soomaaliya iyo Kismaayo inuu hada dhamaadey.

Guud ahaan Beesha Caalamka ee taageera Soomaaliya oo Maraykanka iyo Kenya u horeeyaan waxay si buuxda u taageereen Gudiga Doorashada ee Jubbaland iyo Madaxweyne Axmed Madoobe qaabka uu usoo dejiyeye habraaca Doorashada, walow ay jireen meelo ay farta ku fiiqeen Beesha Caalamku, meelahaasoo isla markiiba ay jawaab waafi ah iyo sharaxaad ay ka bixiyeen Gudiga Doorashadu .

Sida Puntlandi.com ay xogta ku hayaan Dowlada Maraykanka iyo Ingiriiska labaduba waxay Gudiga Doorashada Jubbaland ay ku wargaliyeen iney dhameys tiraan shaqadooda, taasoo macneheedu yahay Natiijada Doorashadana waan taageereynaa.

Villa Soomaaliya oo ka war heshay arintaan ayaa durba waxay Xalay warqad u direen Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobey iyagoo dacwo ka ah In Arimaha Soomaaliya lasoo fara galiyey.

Warqadaan waxay muujineysaa in Axmed Madoobe uu meel iska saaray Villa Soomaaliya.

Sida aan xogta ku heyno waxaa hada Kismaayo ka socda kulamo khadka teleefoonka ah kuwasoo Beesha Caalamku ay ku dhexdhexaadinayaan Axmed Madoobe iyo Musharixiinta Diidan Nidaamka Axmed Madoobe, si Musharixiinta ay Doorashada uga qayb galaan.

Puntlandi.com
Kismaayo