Kenya oo Madaxweyne Axmed Madoobe u balan qaadey dhowr Arimood oo uu ku galo ololaha Doorashada

Madaxweynaha Jubbaland ee Xilku ka dhamaadey balse dib ugu tartamaya Axmed Madoobe ayaa dhowaan wuxuu bilaabayaa olole xoogan oo ugu ololeynayo in mar kale loo doonto Xilka.

Warbaahinta Puntlandi.com ayaa xan hoose ku heshay qaar kamid ah balan qaadyada uu Axmed Madoobe ku galayo ololaha Doorashada.

Mudo bil laga joogo wuxuu Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam uu safar ku tagay Dalka Kenya wuxuuna kulamo qatsoodi ah uu la qaatay Masuuliyiin ka tirsan Xukuumada Kenya, Kulamadaas oo dhan waxay ku saabsanaayeen Doorashada Jubbaland iyo sidii Uu ku helilahaa taageerada Kenya iyo qaabka ugu macquulsan ee loogu caawin karo si uu kursiga ugusoo laabto.

Hadana xogta aan helnay waxay sheegaysaa in Madaxweyne Axmed Madoobe ay Kenya u balan qaadey ugu horeyn iney ku taageerayaan doorashadiisa, ayna u fulinayaan dhowr mashruuc kuwasoo uu ku galayo ololihiisa adoorashada, Axmed Madoobe markuu maalmaha soo socda bilaabo ololihiisa wuxuu balan qaadayaa dhow arimood inuu fulinayo hadii la doonto, Arimahaas oo uu kasoo dhameystay Kenya

Kenya maal iyo nolol waxay Galinayaan in Axmed Madoobe uu sii joogo Jubbaland  iyagoo ka duulaya in Amaankoodu uu ku xiran yahay Jubbaland oo ay wada shaqeeyaan, Axmed Madoobena waa Ninka kaliya ee ay wada shaqeyn karaan sidaas awgeed waxay U balan qaadey

  • In Ciidanka Jubbaland iyo kuwa Kenya ay sanadkaan soo socda intaas lagasrin bartamihiisa ay Al-shabaab ka xoraynayaan inta badan Deegaanada Jubbaland.
  • In ay Dhisayaan wado laami ah oo isku xiraya dhoobley ilaa Kismaayo.
  • In Gobolka Gedo ay Ciidamo dheeraada geysobsi looga Xoreeyo Al-shabaab isla markaasna la dhiso Ciidan Jubbaland ah oo awood u leh ilaalinta Xuduuda, isla markaasna la fududeeyo isu socodka Labada Shacabka, sharuud la’asn, Ganacsatada Gobolkana loo sameeyo kaster ay kusoo galaan Kenya markay doonaan.
  • In 500 oo ardey ay Waxbarasho usoo aadaan Kenya sanadkaan walba si isle’egna looguvqaybiyo Sadexda Gobol ee Jubbaland ka kooban tahay

Hadaba balan qaadyadaan ay Kenya u balan qaadey Axmed Madoobe ayaa muujinaya in Kenya ay Geed dheer iyo mid gaabanba ay u fuulayaan sidii Sayid Axmed uu kursiga ugu soo laaban lahaa.

Maaha markii u horsysay ee Kenya u gacan haadiso Axmed Madoobe, Doorashadii hore ee Jubbaland qayb weyn ayay Kenya ku lahayd in Axmed Madoobe uu mar labaad hogaansho Jubbaland, hadana Way ka go’an tahay iney mar sadexaad ay kursiga kusoo fariisiyaan.

Puntlandi.com