Kismaayo—-Axmed Madoobe oo Villa Soomaaliya ka adkaadey, Reer Galbeedka iyo Kenya oodaba istaagey Axmed Madoobe

Madaxweynaha Xilku ka dhaamdey Ee Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa ku guuleystay inuu hele kalsoonida Beesha Caalamka kuwaooda daneeya Arimaha Soomaaliya.

Qorsha uu dajiyey Axmed Madoobe iney doorashadu u dhacdo iyo Jadwalkeeda ayay aqbaleen Beesha Caalamka qorshasoo ay si cad uga soo hor jeedeen Villa Soomaaliya

Waxaa la isla meel dhigay sidaas…

  • In Doorashadu ay dhacdo wakhtigii ay Gudiga Doorashadu iclaamiyeen.
  • In Ciidamada Kenya oo qura ay sugaan Amaanka Guud ee Kismaayo inta Doorashadu socoto.
  • In Doorashadu ay ka dhacdo Aqalka Dowlada Jubbaland ayna Amaanka aqalkaas ay sugaan Ciidamada Jubbaland.
  • In Soo xulida Xildhibaanada ay noqoto qabkii 3-da Qof ee Gudiga Doorashadu ay horay ugu iclaamiyeen
  • In ay Xukuumada hada joogtaa ay masuul ka tahay cida lagu casumayo goob joognimada Doorashada, oo cidey doonto casunto.
  • In ay Madaxweynanimada ay u tartami karaan oo QURA Musharixiinta is diiwaan galiyay.

Dhamaan qodobadaan waa qodobadaan ay kasoo hor jeedeen Villa Soomaaliya iyo Musharixiinta inta badan.

Dhinaca kale Dowlada Kenya ayaa si buuxda u taageertay Nidaamka Doorashada ee Gudiga Doorashadu ay soo dajoyeen, Beesha Caalamka ayaa iyana muujiyey in ay taageersan yihiin Gudiga wxaynaya sheegeen in Gudiga looga baahan yahay shaqo hufan.

Qoraalka uu soo saaray Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobey oo ahaa Qoraal Siyaasadeysan wuxuu si buuxda u taageeray Gudiga iyo shaqada ay wadaan, Qoraalkaan wuxuu ku dhaga hadal ku ahaa hadalkii kasoo yeeray Wasaarada Arimaha Gudaha Federaalka ee ahaa Inaysan aqoonsan doonin Natiijada Doorashada.

Madaxweyne Axmed Madoobe oo kamid ah Musharixiinta wuxuu badan qaadey in Doorashadu ay noqon doonto mid ay kalsoonaan doonaan Shacabka Jubbaland, wuxuuna hosta ka xariiqay in macnuhu uusan ahayn in dadkale la qanciyo.

Dhan ka kale Dowlada Kenya ayaa iyana hoosta ka Xariiqay in ay aqbalayaan Natiijada Doorashada.

Puntlandi.com
Kismaayo