Tacsi Marxuum Maxamed Xasan Cabdule oo Xalay ku geeriyooday Degmada Waaciye

Waxaa tacsi loo dirayaa dhamaan Reer Maxamed Xasan Cabdille geerida ku timid Aabe/awoowe Maxamed Xasan Cabdile oo Xalay oo arbaco soo galayso ku geeriyooday Degmada Waaciye.

Waxaa si gaara tacsi loogu dirayaa Saynab Maxamed iyo Odeygeeda Maxamed Xasan (Culusow) oo kamid ah Jaaliyada Puntland ee Denmark geerida Kutimid Aabeheed.

Marxuumka wuxuu maalmaha soo socda u socdey Xajka,Illaahay haka aqbalo Xajka uu niyeystay.

Waxaan Illaahay uga baryaynaa Marxuumka Jano waarta iyo Dambi dhaaf.

Aamiin Aaamiin Aaamiin