Yaa dilay Eng. Yariisow, Maxaase loo dilay

Waxaan daah ku daboolnayn in Qarixii ka dhacay Xarunta Gobolka Banaadir laba todobaad k hor uu ahaa mid qorsheysnaa oo Dad badan wax ka ogaayeen kasoo ahaa dabin loo dhigay Gudoomihii Gobolka Banaadir Alla ha u naxariistee Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng.Yariisow), dabinkaasna kuwii dhigay Way ku guulaysteen, laakiin su’aasha Dad badan isweydiinayaan ayaa waxay tahay Kuwii dilay Yarisow ma ku guulaysan doonaan ujeedkoodii?

Weerarka lagu qaadey Gudoomiye Yariisow wuxuu ahaa mid qorsheysan, kooxda ka dambeysay Dilkiisa waxay maalin ka hor Qaraxa ay Saxaafada soo dhigeen qoraalo isdaba socda oo uu kamid ahaa qoraalkii oranayay “ Haweynay isqarxinaysa ayaa suuqa ku jirta, waxaa kaloo la raaciyey qoraalka “”Haweeneydu waxay isku qarxineysaa Xarunta Gobolka Banaadir.

Arbacadii 24 Luuliyo maalintii Qaruxu dhacay isla maalintii waxaa suuqa hadana lasoo dhigay warar deg deg (Breaking News) lagu calaamadeeyet kuwasoo sheegayay in Gabar indhaoole ah ay is qarxisey,

Wararkii labaahiyey maalin ka hor Qaraxa iyo Wararka Gabadha isqarxisay ee isla maalintii qaraxa la baahiyey waxay qayb ka ahaayeen Shirqoolka lagu khaarajiyey Ing. Yariisow oo waxay ahaayeen Raad gadasho.

Yaa ka dambeeyey Dilka Yariisow

Ing Yariisow wuxuu aad ugu dhowaa oo saxiib iyo Lataliye u ahaa Madaxweyne Farmaajo, Dad baa ku andacoonaya Farmaajo waxbuu ka ogaa Dilka Ing.Yariisow, Laakiin Xaqiiqda Jirtaa waxaa Weeye , Yariisow waxaa laga dilay Farmaajo, si kale hadaan u dhigno ama kuugu muujino “ Farmaajo wuxuu Xamar ku joogay oo meesha ku hayay Ing. Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Yariisow)

Waxaa jira koox Xoog ku heysata talada Villa Soomaaliya, kooxdaas Yariisow wuxuu ku ahaa Caqabad maadaama uu aad ugu dhowaa Madaxweyne Farmaajo, Farmaajo wuxuu si hoose ula tashan jiray Yariisow, Waana taas tan keentay in kooxdaan ay Yariisow u arkaan Caqabad hortaagan Ajandayaashooda.

Kooxda waxaa ka mid ah Raysal wasaare Kheyre, Fahad Yaasiin , Dhuxulow iyo Dhowr wasiir iyo koox ka tirsan lataliyaasha Villa Soomaaliya.

Kooxdaan qaar kamid ah waxay Injineer Yariisow kawada tirsanaan jireen Ururkii Hawoye Action Group laakiin markii lakala fikir duwanaadey baa lakala leexdey,

Al-shabaab wax lug ah kuma lahayd Weerarka lagu qaadey Gobolka Banaadir Xaruntiida aan ka ahayn iney iyagu iska sheegteen.

Gabadha disharmoni laga saaray Qaraxa oyaduna iyada dhibane ahayd oo wax shaqo ah kuma lahayn, Qorshahaase ahaa in iyada Dusha laga saaro si bulshada loo marin habaabiyo.

Waxaa iyana jira shaki xoogan , kaalinta ay Dowlada Qadar ku lahayd Khaarajinta Yariisow, Waayo Sirdoonka Ingiriiska ayaa wuxuu Dalbadey iney baaraan Meydka Marxuumka laakiin taas waxaa lagu hor istaagay warqad kasoo baxday Villa Soomaaliya, waana sababta keentay in Aaskiisa uu maalin dib u dhaco.

Ingiriiska waxay heleen Macluumaad muujinaya in irbad qaldan lagu diray Marxuumka intuu la tacaalayay dhawaca soo gaaray oo ahaa mid Hamid ah.

Hadaba Dilka Yariisow waxaa sabab u ahaa dhowr arimood oo ay ugu weyn yihiin,

-Waayadii hada u dambeysay Ing. Yariisow wuxuu aad ugasoo hor Jeedey kooxda maamusha Villa Soomaaliya, wuxuuna diidanaa qaabka ay wax ubwadaan, kooxdaas waxay hada heleen jaanis ay ku maamulaan Madaxweyne Farmaajo.
– Dowlada Qadar xiriirkeeda aad buu igasoo horjeedey oo wuxuubu janjeeraa dhanka Reer Galbeedka.

– Wuxuu aaminsanaa in Muqdisho tahay Caasimada Soomaaliya oo Sass merkhaamkeedu yahay, Bulshaduna undiman tahay.

Warbixintaan waxaa ururinteeda Puntlandi.com kala qaybqaatay shaqsiyaad badan waan unmahad celineynaa.

Illaahay Waxaan uga baryeyna Marxuumka , Jano waarta iyo Dambi dhaaf iyo in Illaahay samir iyo iimaan ka siiyo Xaaskiisii, Caruurtiisii, Ehelkiisii iyo Guud ahaan Asxaabtiisii iyo Shacabka Soomaaliyeed.
Aaaaaamiiin Aaaaaamiiin