(SAWURRO) SIDRA oo kusoo bandhigtay daraasad ku saabsan in dhalinyarada loo ababiyo hoggaaminta dalka

Mac’hadka horumarinta cilmi baarista ee SIDRA ayaa soo gabagabeeyay dood ku saabsanayd daraasad horu dhac ah oo ka hadlaysay waxabarashadu kaalinta ay ku leedahay soo saarista dhalinyaro u carbisan Hoggaaminta dalka.

Daraasaddan oo ay taageeraysay Hayadda ADRA, ayaa dooda dhegaysigeeda waxaa ka qeyb galay oo ka qeyb qaatay dhalinyaro aqoonyahanno ah iyo dallada dhalinyarada Puntland ee PYAN.

Ka qeyb galayaasha dooda oo talo iyo tusaale ku darsanayay cilmi baarista ayaa sheegay xog ururinta ku jirta cilmi baarista inay tahay mid saameyn weyn ku leh hoggaaminta dhalinyarada.

“Runtii waa cilmi baaris dhaxal gal ah oo ay u baahan tahay Soomaaliya, sababtoo Soomaaliya waa meel inta badan aan xog dhab ah laga haysanin dhibaatooyinka bulsheed ee ka jira,” ayuu yidhi mid kamid ah qeyb galayaasha cilmi baarista.

Marka lasoo koobo daraasadaan, waxay iftiiminaysay in jiilka soo koraya gaar ahaan ardayda dugsiyada sare in aysan ku baraarugsanayn inay yihiin mustaqbalkii dalka ee berito. Waxaa kale oo cilmi baaristu soo jeedinaysay is waafajinta waxbarashada madaniga ah iyo saamaynta hogaamineed ee dhalinyarada.

Caasho Cali Siciid oo ka socotay jaamacadda PSU waxay sheegtay inay muhiim tahay in dhalinyarada hogaaminta la baro oo lagagasoo bilaabo meel hoose sida marka ay ku jiraan marxalada waxbarashada aas aasiga.

DAAWO dhalinyarada ka qeyb gashay oo ka hadlaya muhiimada Daraasadan.

Halkaan ka daawo Sawirrada.

Puntlandi.com