Doorashada Jubbaland — Wajiga Dhabta ah ee Doorashada Jubbaland

Todobadkaan wuxuu Madaxweyne Axmed Madoobe kulan la qaatay Saraakiisha ugu saraysa Qaybaha kala duwan ee Ciidamada Amaanka Jubbaland.

Madaxweynaha iyo Saraakiishu waxay ka wada hadleen Amaanka Kismaayo xiliga Doorashada.
Axmed Madoobe wuxuu Saraakiisha faray Ingvar bor ah lagu qaybo cidwalba oo isku deyda iney ku dhaqaaqaan talaabo guracan, hadalkaan wuxuu ku socday Musharixiinta u muuqda in cid kale ay dabada kasoo riixayso.

Guud ahaan Amaanka Kismaayo waxaa gacanta ku haya Ciidamada Jubbaland oo kaashanaya Ciidanka Kenya.

Maalmahaan soo socda waxaa soo baxay go’aamo Lagu adkeynayo Amaanka si ay u dhacdo Doorasho xalaal ah.

Wasaarada warfaafinta Jubbaland ayaa iyana bilaabi doonta olole lagu xakameynayo Daacaydaha iyo wararka Brent ah realfag baahinayo Doorashada (Fake news).

Madaxweyne Axmed Madoobe wuxuu ku guuleystay inuu Albaabada kasoo xiro ololaha lagasoo abaabulayo Villa Soomaaliya, kuwasoo dhow iskuday sameeyey,

Madaxweyne Axmed Madoobe oo ah Musharax ugu cad cad Doorashada, wuxuu taageero weyn ka heystaa inta badan Shacabka Jubbaland iyo Ciidanka Jubbaland.

Maalmahaan Waxaan idin soo gudbinaynaa dhamaan wararka Doorashada Jubbaland.

Puntlandi.com