TACSI : – Allaah ha u naxariisto Eng.C/raxmaan Cumar Cusmaan ( Yariisow )

Allaah ha u naxariistee waxaa maanta ku geeriyooday Magaalada Doxa ee Dalka Qadar Gudoomiyihii Gobolka Banaadir, isla markaana ahaa Duqii Magaalada Muqdishu Eng Cabdiraxmaan Cismaan Cumar ( Yariisow ).

Maamulka iyo Hawlwadeenada Warbaahinta Puntlandi waxay Tacsi tiraanyo leh u dirayaan dhamaan shacbiga Somaaliyeed iyo gaar ahaan Qoyskii,Ehelkii iyo Asxaabtii uu ka baxay Marxuumku.

Waxaanu Allaah uga bareyeynaa Marxuumka Dembi dhaaf iyo Naxariis, Qoyskii uu ka baxeyna Ilaah Samir iyo Iimaan ha ka siiyo.