C/raxmaan C/shakuur : – Madxada Federaalku Lacagta wiiftada ah ee ay dirayaan waa Hanti Qaran, mana mudna in ay iyagu isku dhisaan

Hadda ka hor ayaa nin saxaabi ah oo in uu sakada soo uruuriyo Nabiga (NNKH) u diray, ayaa markii uu shaqadii soo dhammaatay yiri “Intaan waa sakadii aan soo ururuuriyey, kistaana aniga ayaa la ii soo haddiyadeeyey”. Nabiga (NNKH) wuxuu ku yiri “wax laguu soo haddiyadeeyey ma jiraane keen xoolaha. Maad guriga hooyadaa fariisatid bal in ay dad wax kuu soo haddiyadeeyaan aad aragtide”.

Maalmahan waxaa socda jeegag wiifto ah oo la leeyahay madaxweynaha, raysalwasaaraha ayaa ku deeqay?

Ma xuma in deeq la bixiyo, laakiin su’aasho waa xaggey ka timid ma jeeb qof mise waa hanti qaran? haddii ay hanti qaran tahay hab loo maamulo ayey leedahay. Haddii hawl socoto loogu deeqayo waa in nidaam dawli ah marto, hannaan dawladeedna ku baxdo. Haddii sidaas la yeelo; 1- dowladnimada ayaa ku tayeysmaysa, 2- Haddii deeqda dawlad goboleed la siiyeyna, xiririika dowlad goboleedka iyo Dowladda Federaalka ah ayaa ku xoogaysanaya.

Balse haddii ay hantida qaranka si shakhsi ah loo adeegsado labo halis ayey leedahay 1- Hay’adaha dowlda ayaa wiiqmaya 2- Takrifalka iyo hanti boobka ayaa xalaaloobaya, sababtoo ah haddii shakhsi shakhsi kale la macaamalo, waxaa meesha ka baxaya daahfurnaan iyo xisaab celin ku aadan wixii la isku dhiibay.

Madaxdu waa in aysan hantida qaran iyagu isku dhisin, sababtoo ah iyagu ma laha ee waa in ay hay’adaha dawlada ku dhisaan, iyagu way tegayaan hay’aduhuna way harayaan , shacabkuna waa in uu kala saaraa shakhsi doonaya in uu hantidooda isku dhiso iyo hannaan dawladeed oo hay’ado iyo sharci lagu dhisayo.