Gudoomiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxman Cabdi Shakuur : – Dawlada Qatar ha joojiso faragelinta qaawan ee ay ku hayso arimaha gudaha ee Somaaliya ( Shalay General Gebre maantana Safiirka Qatar )

Markii aad aragto saraakiil ajnabi ah oo aan sidaa u wayneyn oo wasiirro iyo saraakiil ciidanka xoogga dalka kuwii ugu sarreeyay ay daba dudayaan, sow ma soo xusuusatid sida uu beri Jeneraal Gabre ahaan jiray. Dowladda Qatar waxay la soo baxday habdhaqankii hore ee Itoobiya, safiirkeeduna sidii Generaal Gabre oo kale ayaa saf dheer loogu jiraa, shakhsiyaad tabcanayaal ahna way nagu dhex tallaasheen.

Soomaaliyey haddii aan shalay dhibsannay sandulleyska saraakiisha Itoobiya, siyaasiyiintii saaxiibka la ahaana daba dhilif Itoobiya ku suntannay, maxaan Qatar uga aamusannahay .

Abwaan Abshir Nuur Faarax (Bacadle) Allaha u naxariistee ayaa ku shirbay, isagoo Qaramada Midoobay ku dhaliilaya in ay Maraykanka u shaqeyso;

Qaramadii Midoobayeey
Qalin Maraykan maa tihiin?

Waa ii soo jawaabeen ayuu yiri oo waxay isoo dhaheen Abshirow;

Masruufka maamulkow baxshaa
Mahabba looga maarmi maa.

Qatar ma waxaa looga aamusan yahay xoogaaga sandareertada ah ee xaggeeda ka yimaada.? Waxaan dawlada Qatar ugu baaqaynaa in ay joojiso fara gelinta qaawan ee ay arrimaha Soomaaliya ku hayso, kana waantowdo habdhaqan taban ee ay horey dowlado kale ugu hoogeen.