Villa Soomaaliya oo u aamustay Kismaayo iyo Kenya oo qaadey Dhawicii

Dowlada Kenya ayaa codsatay in Dadka dhaawacoodu uu garaabka yahay in loosoo qaado Nairobi, 7 Qof ayaa Madaxweyne Axmed Madoobe uu geeyey Garoonka Diyaaradaha Kismaayo kuwasoo loo duuliyey Nairobi.

Sida Puntlandi Warka ku hayo ilaa hada Villa Soomaaliya kama aysan tacsiyeyn Weerarkii Kismaayo.

Waxaa jirta warqad Lasoo dhigay Facebook-ga oo la leeyahay Madaxweyne Farmaajo ka tacsiyeeyey.

Warar kale oo Puntlandi ay helayaan waxay sheegayaan in hada Abaabul uu ka socda Muqdisha Abaabulkasoo yimid markii ay ka War heleen in Kenya ay soo dalbatay dhawacyadii Qaraxa in Nairobi la keeno.

Sargaal sare oo Jubbaland ka tirsan ayaa Puntlandi u xaqiijiyey in aysan Tacsiyeyn iyo Cambaarayn Toona oo Official ah aysan wali ka helin Villa Soomaaliya.

Sargaalku wuxuu intaas raaciyey in Dowlada Kenya ay Madaxweyne Axmed Madoobe lasoo Xiriireen ayna Soo dalbadeen in dhawacyada bilaa Visa deg deg loogusoo qaado Nairobi.

Puntlandi.com