Xaalada Kismaayo oo degan kadib weerarkii Xalay

Magaalada Kismaayo ee caasimada Jubbaland ayaa Saaka xaaladeedu aad u degantahay,Ciidamada Amaanka ayaa meelo badan oo Magaalada ah waardiye ka haya.

Madaxweyne Axmed Madoobe oo shir jaraa’id uga waramay weerarkii Xalay lagu qaadey Ex-Cascasey Hotelay ayaa wuxuu sheegay in 25 Qof oo 3 ay Ajnabi yihiin ay geeriyoodeen,Dhaawucuna uu gaaray Kontameeye,ay Afar Qof aad garaab u yihiin.

Uge yaraan 5 Qof oo Dadka geeriyooday ah waxay ahaayeen Qurba jooc ka yimid Canada, Maraykanka iyo Ingiriiska.

Ganacsato laba ah ayaa iyana dhimashada ku jiray.

Ciidamada ajubbaland Gud ahaan herhen ayay ku jiraan, waxaa sidaas Puntlandi.com u xaqiijiyey Saraakiisha Ciidamada, Madaxweyne Axmed Madoobe wuxuu maanta la balansan yahay Saraakiisha Amaanka, waxayna ka wada arinsan doonaan talaabada la qaadayo.

Xukuumada Federaalku ilaa hada wax hadal ah oo ku Aadan weerarka Kismaayo Laguna Hayo, haday Tacsiyeyn ahaan lahayd ama Cambaarayn.

Puntlandi.com