Breaking Madaxweyne Dani oo Cambaareeyey kana tacsiyeeyey weerarkii Kismaayo, Khedka Tlf,kana kula hadlay Axmed Madoobe

Madaxweynaha Dowlada Puntland Saciid Cabdullahi Dani ayaa si Adag u Camaareeyey Weerarkii Argagixisada ee caawa lagu qaadey Hotel ku yaal Kismaayo.

Madaxweyne Dani wuxuu Shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyeeyey geerida ku timid Dadkii ku nafwaayay Kismaayo, isagoo ku baaqay in isku meel loogasoo wada jeesto ladagaalanka Argagixisada.

Madaxweyne Dani wuxuu Khadika teleefoonka kula hadlay Madaxweynaha Dowlada Jubbaland Axmed Madoobe, Wuxuuna uga tacsiyeeyey Reer Jubbaland weerarka lagusoo qaadey.isagoo sheegay in Puntland ay diyaar ula tahay waxwalbo oo caawimaad ah.

Dhambaalka Tacsida Madaxweynaha nuqulka rasmiga ah goor dhow naga filo