Faahfaahin— Weerarkii Kismaayo oo si buuxda losoo afjaray

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa si deg deganaa wuxuu ku booqday Isbitaalka Kismaayo Dadkii lageryay Isbitaalka ee ku dhawacmay Weerarkii Caawa lagu qaadey Hotel Ex.Cascasey.

Dhimashada inta Malou xaqiijiyey waa 15 Qof Ø, Dad laweysan yahay Way jiraan.

Ciidamada Amaanka ayaa si buuxda usoo af jaray weerarka, Sargaal ka tirsan Ciidamada wuxuu Puntlandi.com u sheegay in hal askari uu ku dhawacmay intii Howlgalku uu socday.

Dadka ku geeriyooday weerarka waxay Isugu jireen Dad Hotelka Degan iyo Dad soo booqdey Hotelka.

Alla ha unaxariistee Wariye Hodan Naaleeye iyo laba Qof oo kale waxay u geeriyoodeen dhawac kasoo gaaray weerarka oo waxay ku geeriyoodeen Isbitaalka.

Madaxweyne Axmed Madoobe wuxuu sheegay iney jawaab degdega oo falcelisa ay ka bixinayaan Weerarka, ayna uge tagayaan meelwalboo ay joogaan Kuwii soo maleegay weerarkaan.

Puntlandi.com
Kismaayo