Ciise Maxamuud Farax ( Dholwaa ) : – Dawlada Federaalka Somaaliyeed waxa wanaag ah uma soo wado Shacbiga iyo Dawlada Puntland, ee waan si wada jir ah oo deg deg ah looga wada tashadaa

Horay waan u sheegay, mar kalena waan ku soo celinayaa fikirka aan ka qabo Dawladda Federalka Soomaaliyeed.

Arinta Gaalkacyo ka dhacday UGUB ma ah. Arimo badan, oo aan wanaagsanay ayaa Dawladda iyo shacabka reer Puntland kaga yimid Dawladda Federlka ah ee Soomaaliyeed.

Dawladda Soomaaliyeed ee Federaalka ahi wax wanaag ah oo Puntland uga soo socdaa ma jiro. Waxaana qabaa in laga tashado Dawladda Federalka Soomaaliyeed oo la fiirsho danta dadka iyo Dawladda Puntland.

Danta dadka iyo Dawladda Puntland waxaa ay ku jirta Soomaali midaysan, is aaminta meelna u wadda socta.

Nasiib daro, taasi iima muuqato hada. Sidaas darteed, waxaa lagama maarmaan ah in talo laysugu noqdo oo go’aan laga gaaro meesha looga guurayo xaalka hada lagu sugan yahay oo ah mid aan wanaagsanayn.

Sababta oo ah, waxaana qabaa in ay arintu ka sii xumaandoonto, weliba iyada oo si xawli ah ku socota, meela badana taabandoonta, sida arimaha waxbarashada, caafimaadka, bulshada, nabadgelyada, shuruucda iyo xuduudaha Dawladda Puntland.

Soomaalidu waxaa ay ku maahmaahdaa “Waxaadan huridoonin, horaa loo galaa”.

Sidaas darteed, halaga tashado Dawladda Federalka Soomaaliyeed.