Xafiiskii Maalgashiga ee Soomaaliland ku lahayd Dubai oo ay la wareegtay Shirkada DP World

Shirkada Maalgashiga Soomaaliland ee fadhigeedu yahay Dubai ayaa waxaa la wareegay Shirkada DP World oo ah Shirkada caanka ku ah kabaayacmushtarka Dekadaha Aduunka .

Shirkada Somaliland investment Company oo shaqadiidu ahayd iney Emaaraatka ka dhex baadi goobto ganacsato maal gashada Soomaaliland waxaa 100% lahaa Soomaaliland, laakiin waxaa hada inta badan iska leh oo la wareegay Shirkada DP World oo ah Shirkada sisu tags Emaaraatku leeyahay , tasoo qandaraas ku haysata Dekada Berbera.

Gudiga maamulaya Shirkada ayaa waxay hada ka mid noqondoonaan Shaqsiyaad horeu uga tirsanaa Shirkada iyo shaqsiyaad hada lagusoo daray kuwasoo ka imaanaya DP World. Magacii hore oo ahaa Somaliland Investment waxaa lagu badalay DP World Berbera Investment.

Wasiirka Maaliyada Soomaaliland Sacad Cali Shire oo kamid ah Gudiga Shirkada wali tafaasiil kama uusan bixin sababta Somaliland Investment Company loogu weareejiyey DP World iyo sababta loogu wanqalay DP World Berbera Investment Company.

Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa horey waxay DP World uga manuucday iney ka howlgasho Soomaaliya, Sudans awgeed Wasaarada Maaliyada Ee Federaalka Soomaaliya wali kama Ayasan hadal Shaqadaan cusub ee DP World ay ka bilowday Soomaaliland.

Waxaa iyana xusid nudan in DP World ay ka howlgasho Dekada Bosaso.

Puntlandi.com
Berbera