Raysal Wasaare Abiy Ahmed oo kulansiinaya Farmaajo iyo Uhuru, Kiiskii bada oo ajandihu yahay


Sabtida 13 bishaan Luuliyo waxaa Adis Abbas ku kulmaya Madaxweynayaasha Kenya iyo Soomaaliya, kulankaasoo uu garwadeenka yahay Raysal Wasaaraha Itooboya.

Qareenka Qaranka ee Dalka Kenya ayaa shalay wuxuu sheegay in ay baarayaan warar sheegaya in Soomaaliya ay ku adkeysanayso in Kiiska Bada ay go’aan ka gaarto maxkamada aduunka , Qareenka Kenya wuxuu intaas raaciyey inuu baarayo in warkaan yahay Been iyo Inkale.

Dhinaca Villa Somalia Cabdinuur Maxamed oo ah madaxa Saxaafada Madaxtooyada ayaa wuxuu sheegay in Ay been Abuur tahay wararka sheegaya in Soomaaliya ay ku adkeysan doonto in Kiisku sii yaalo maxkamada Aduunka, Wuxuu kalot beeniyey dhamasn wararka kahordhacaya kulamada labada Madaxweyne.

Hadalka Madaxa Saxaafada Villa Soomaaliya ayaa u muuqda mid Kenya lagu qancinayo, iyo in ay Jiraan Wadahadal ay labada dhinac ku heshiiyeen in ay ku falan qeeyaan kulanka Sabtida ka dhici doona Adis Ababa.

Raysal wasaaraha Itoobiya ayaa ku dadaalaya in Wadahad iyo is afgarad lagu dhameeyo Kiska Bada ee dhex yaal Muqdisho iyo Nairobi.

Puntlandi.com
Adis Ababa