Puntland oo maanta shaacinaysa natiijadii imtixaanka fasalka 4aad ee dugsiyada sare.

Qoraal lagu faafiyey barta facebook ee wasaaradda waxbarashada Puntland ayaa waxaa lagu caddeeyey in maanta oo Arboco ah ay wasaaraddu shaacin doonto natiijada kama dambaysta ah ee imtixaankii dugsiyada sare ee Puntland 2018-2019.

AKHRISO WARGELINTA

Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland waxay la socodsiineysaa Guddoomiyayaasha Waxbarashada ee heer gobol iyo heer dagmo, Maamulayaasha dugsiyada sare ee Puntland iyo waalidiinta in maanta oo arbaco ah Taariikduna Tahay 10 bisha julay 2019, la soo bandhigi doono natiijada imtixaanaadka ee dugsiyada sare ee Puntland Saacaddu marka ay tahay 11:00 am barqanimo.

Dhammaan waxaa lala socodsiinayaa in ay isdajiyaan ardeydu oo si deggan ula socdaan natiijada imtixaankooda iyadoo la isticmaalayo roll-numberkooda imtixaanka iyaga oo galinaya Shirkada Golis 299 ama Webka Wasaaraadda ka dalaca doona Natiijadda Imtixaanka sida www.moepuntland.com.

Waxaan guul iyo nasiib wacan u rajeyneynaa ardeyda reer Puntland dhammaantood, meel walba oo ay joogaan.

By: Deeq Hurevov Madaxa isku xirka Wasaaradda Waxbarasshada iyo Tacliinta sare.