Maxkamad kutaal Hargaysa oo xukun xabsi dheer ah ku ridey weriye Cabdimaalik Coldoon.

Maxkamadda Maroodi Jeex ee magaalada Hargaysa ayaa waxa ay go’aan maanta ka gaartey kiiskii loo haystay weriye Cabdi Maalik Muuse Coldoon oo muddooyinkii ugu dambeeyey u xirnaa maamulka Soomaali diidka ah ee Somaliland.

Wariye Coldoon ayaa dhawaan Xeer ilaalinta Soomaaliland waxaa ay ku eedeysay in uu ku kacay falal ka hor-imaanaya qaranimada Soomaliland iyo in uu Dugsiga Abaarso ku tilmaamay mid lagu barto waxyaabo ka baxsan Diinta Islaamka.

Maxkamada gobolka Maroodi-jeex ee Magalada Hargeysa ayaa oo Maanta la horkeenay Wariyaha,waxaana ay ku xukuntay saddex sano iyo lix bilood oo xabsi ah, sida uu sheegay guddoomiyaha Maxkamada gobolka Maroodi-jeex ee Magalada Hargeysa.

Wariye Cabdi Maalik coldoon ayaa dhowr bilood u xiran Soomaaliland,waxaana xarigiisa uu yahay mid soo lab laabtay, iyada oo Xukuumaddii Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud siilaanyo ay hadda ka hor ku xukuntay Xabsi lix bilood ah wallow markii dambe cafis Madaxweyne lagu siidaayay.