Jubbaland oo jawaab kulul siisay Muqdisho,”Doorashada Jubbaland mahan Galmudug & Baydhabo”.

Dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland ayaa jawaab kulul ka bixiyey war ka soo baxay Villa Somalia kuna aadanaa inay maamuli doonto doorashada madaxtinimada iyo barlamaanka ee maamulka Jubbaland.

War saxaafadeed ka soo baxay dowlad goboleedka Jubbaland ayaa waxaa lagu shaaciyey in doorashada Jubbaland aysan waxba ka qusayn dowladda federalka ah ee Soomaaliya isla markaana ay Jubbaalnd leedahay dastuur iyo awood dowladeed aysanna ahayn kuwii ay xooga ku maamulaysay Muqdisho.

AKHRISO