Breaking News —Dowlada Federaalka oo Dacwad ka dhan ah Dalka Gini u gudbisay Midowga Afrika iyo Beesha Caalamka

Wasiir Cawad oo la kulmay Wakiilada Caalamka u Jooga Soomaaliya ayuu wuxuu sharaxaad ka bixiyey sababta ay Xiriirka uge jareen Dalka Gini Kanaky, wuxuuna Wasiirku ku macneeyey in Gini ay Khatar ku tahay Qaranimada iyo Dib uheshiisiinta Shacabka Soomaaliyeed.

Wasiirku wax sharaxaad ah kama uusan bixin Xiriirka uu u jaray Dalka Gini maadaama uusan awalba jirin wax xiriir ah oo ka dhexeeyey labada Dak.

Ilo Dublamaasiyadeed ayaa Puntlandi.com waxay u sheegeen in Xukuumada Federaalku ay Qoraal ay kage dacwooneyso Dalka Gini ay u gudbiyeen Beesha Calamka oo Midowga Afrika u horeeyo.

Warkaan oo faahfaahsan maga sug goor show

Soomaaliya waxay Xiriirka u jartay Dalka Gini sababtoo ah waxay Dalkaan ay Kaarbad gaduudan u dhigeen Madaxweyne Muuse Biixi oo ay Gini casuntay, waxaana jawaabta Soomaaliya lagu macneeyey aar iska xoornimo siyaasadeed , waxayna arintaan durba dhalisay in DF ay dhex dabaalato mowjado Siyaasadeed oo dhaliyey caadifad ka dhex aloosanta gudaha Shacabka Soomaaliyeed.