DHEGAYSO-Maamulka gobolka Karkaar iyo taliyayaashii ciidamada oo xilalka la wareegey.

Magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar waxaa lagu qabtay munaasabad ballaaran oo ay xilalka kula wareegayeen gudoomiyaha gobolka Karkaar, taliyaha qaybta booliska gobolka iyo taliyaha saldhigga degmada Qardho.

Munaasabaddaan waxaa ku sugan maamulkii hore ee gobolka Karkaar, taliyayaasha xilalka ku wareejinaya kuwa cusub, maamulka degmada Qardho, masuuliyiin dowladda dhexe katirsan iyo qaybaha bulshada.

Masuuliyiinta xilka wareejiyey ayaa sheegay inay waxbadani u soo qabsoomeen muddooyinkii xafiisyada ay hayeen waxaana ay ugu baaqeen bulshada qaybeheeda kala duwan inay la shaqeeyaan hogaanka cusub.

DHEGAYSO