DAAWO-Taliyaha cusub ee ciidanka Daraawiishta Puntland oo hanjabaad u diray maamulka Hargaysa.

Taliyaha guud ee ciidanka Daraawiishta dowladda Puntland General Yaasiin Cumar Dheere oo uu dhowaan magacaabay madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Denni ayaa hanjabaad u diray maamulka Hargaysa.

General Yaasiin Cumar Dheere oo la hadlayey ciidanka difaaca Puntland ee ku sugan furimaha dagaalka Tukaraq ayaa waxa uu sheegay in Puntland lagu soo duuley isla markaana ay shacab iyo ciidanba aysan aqbali doonin in reer Hargaysa ka soo duuley qabsadaan.

Taliyaha ayaa waxa uu tilmaamay inaysan jirin beel beel qabsan karta isla markaana haddii uusan maamulka Hargaysa joojin daandaansiga uu qaadi doono masuuliyadda wixii ka dhasha xiisadaha ka taagan Sool iyo Sanaag oo katirsan Puntland.

DAAWO