Kulankii dhowrka jeer baaqday ee golaha shacabka oo maanta loo balamay & qodobada miiska saaran.

Xildhibaanada golaha shacabka ee barlamaanka federalka ah ayaa maanta taariikhduna ku beegan tahay 6/7/2019 waxaa ay kulankoodii caadiga ahaa ku yeelan doonaan xarunta golaha shacabku kuleeyihiin magaalada Muqdisho ee xarunta gobolka Banaadir.

Mudanayaasha barlamaanka ayaa waxaa habeenimadii xay ahayd lagu wargeliyey inuu maanta jiro kulan muhiim ah dhammaanna looga baahan yahay inay soo xaadiraan xarunta golaha shacabka, walow guddoonku ka cabanayo googoynta golaha oo soo badanaysa.

Ajendaha kulanka ayaa ah Akhrinta koowaad ee wax ka badalka sharciga shaqaalaha rayidka iyo warbixinta Baarlamaanka Jaamacadda Carabta.

Kulamadda Xildhibaanadda ayaa baaqanayay maalmihii ugu dambeeyay, waxaana gudoomiye Maxamed Sheekh Mursal uu ka dalbaday xildhibaanada inay ilaaliyaan shuruuc hoosaadyada u degan ee hab maamulka golaha shacabka.