Loolanka gacan ku heynta Kismaayo oo hormuud u ah khilaafka cusub ee Villa Soomaaliya iyo Nairobi” iyo khalkhal galinta Doorashda Jubbaland

Wax qarsoon ma aha Damaca ay Kenya ka lahayd Bada Soomaaliya,laakiin Kiiskaas wuxuu hada yaal Maxkamada Aduunka oo labada dhinac ay isla tageen Xiligii Xukuumadii Madaxweyne Xasan Shiekh, lakiin khilaafka dhex yaal Xukuumada Farmaajo iyo Xukuumada Uhuru Kenyata muxuu yahay Salkiisu, ma muranka Bada mise wax kalaa jira?

Waxaa xaqiiq ah in Muranka Bada ee ka dhextaagan Kemya iyo Soomaaliya inuusan wax shaqo ah ku lahayn murankaan cusub ee dhex yaal Labada dhinac.

Xukuumadii Xasan Sheikh waxas Soomaamliya iyo Kenya dhex maray muran xoogan oo dhinaca Bada ah ilaa ay aakhirnii ay labada dhinac isla tageen Maxkamada Aduunka ee Haag, lakiin labada dhinacba waxay ka sinaayeen hal arin oo ah Xiriirka walaaltinimo ee labada shacab inaan la siyaasdeyn oo aan lasoo dhex galin muranka Bada.

Soomaaliya iyo Kenya waxay Xiligaas si Dublamaasiyadaysan ay u maareeyeen Sheegashada ay Kenya Sheeganayso Biyaha Soomaaliya, iyadoo Soomaaliya ay Xiligaas si quunyar ay u maaraysay u halganka Ka hortaga damaca Kenya, wax dhawac ahna u ma gaysan Xiriirka Dublamaasiyadeed iyo kan labada shacab ee Kenya iyo Soomaaliya, waxaana labada dhimac ay aakhirkii isla garawsadeen in Go’aanka maxkamada la sugo, Maxkamaada Aduunku ay waxay Go’aan ka gaaraysas Kiiskaa Bisha November 2019.

Hadaba Maxaa isbadalay imaatinkii Farmaajo iyo Kheyre ka dib
Markii la doortay Madaxweyne Farmaajo bilo kadib waxay Dowlada Kenya isku day”day inay Siomaaliya kala hdasho in Kiiska Bada wadahadal lagu xaliyo, lakiin Xukuumda Farmaajo waxay istaagtay wadadii Xukuumadii ka horaysay oo waxay Kenya ugu jawaabeen in ay ka warsugayan oo qura go”aanka Maxakamada Aduunka, sidaas ayayna labada dhinac isku afgarteen.

Maxaa Xigay oo khilaafka bilaabay.

Kadib Shirkii London ee lagu beecgaynayay Shidaalka Soomaaliya ayaa Kenya waxah Soomaaliya ku eedeysay iney ku xadgudbeen go”aankii Maxkamada aduunka oo ahaa in labada dhinac ay ka warsugaan Maxkamada Aduunka, waxayna Kenya sheegtay in Soomaaliya ay beec gaysay Ceelashii lagu muran snaa.
, Arintaasi waxay dhalisay in labda dhinac ay kala qaataan Safaaradaha laaniin waxaa aakhirkii soo kala dhex galay Otoobiya, halkaas ayuuna buuqii ku dhamaaday.

Murankaan Cusub ee u dhexeeya Villa Soomaaliya iyo Nairobi haba yaraatee wax shaqo ah kuma laha Bada Soomaaliya, inkastoo Villa Soomaaliya ay ku gabanayaan in Xiriir xumada labada dhinac uu salka ku hayo Muranka Bada.

Dagaalkaan wuxuu salka ku haya Gacan ku haynta Magaalada Kismaayo,

Tan oyo markii laga awood roonaadey Isbahaysigii Dooxada Jubba waxaa wali jira damaca in kooxahaan ay mar kale dib ugusoo laaban doonaan gacan ku haynta Kismaayo.

Bartamihii Aptil 2019 waxay Xukuumada Federaalku ku wargalisay Amisom in Ciidanka Kenya ay isaga baxaan Soomaaliya, badalkoodana la keeno Ciidan Erriterean ah, Ogowna Xukuumada federaalka Soomaaliya waxay Erriteria kasoo dhameeysteen in Kun askari ay keenaan Soomaaliya.

Amisom waxay Kenya ku wargaliyeen codsiga Soomaaliya ay ku codsanayso in Kenya isaga baxdo Soomaaliya.

Ujeedada laga leeyahay in Ciidanka Kenya laga saaro Soomaaliya ma ahan Difaac Qaranimo Soomaaliyeed ee waxaa weeye in Badalkooda la keeno Kismayo Ciidan Erriy√łtrian ah oo loo adeegsado in Kismaayo looga tuuro maamulka Axmed Madoobe.

Dad yar ayaa fahmay damaca Villa Soomaaliya ay ka leedahay saarida Ciidanka Kemya, waxana jira qorshe wayn oo dib loogusoo noolaynayo Isbhaysigii Dooxada Jubba iydoo laga faa’iideysanayo awooda Villa Soomaaliya ee Madaxweyne Farmaajo iyo shaqsiyaad ay isku heyb yihiin Madaxweynw Axmed mdoobe oo aan fahan sanayn ujeedka rasmiga ah kuwasoo lagula dagaalamayo Axmed Madoobe.” Lafa Maroodi iyagaa la isku jabiyaa”

Hadaba Doorashada Jubbaland waxay noqonaysaa mid ay Isbahaysigii Dooxada Jubba oo shaar kale huwwan ay loolan l galaan Madaxweyne Axmed Madoobe.

Puntlandi.com
Nairobi