BREAKING:NEWS: Ciidamada PSFta Puntland oo fashilay qarax lagu aasay suuqa Bosaaso

Ciidamada PSFta Puntland ayaa magaalada Bosaaso waxa ay caawa ku fashileen qarax miino oo lagu aasay baratamaha suuqa Bosaaso.

Qaraxan ayaa waxaa lagu aasay meel udhaw dhismaha daarta Fadhisame oo ku yaala isgoska Gaaca ee bartamaha magaalada  Bosaaso oo ay ka baxaan gaadiidka kala duwan ee uambabaxa gobolada Puntland.

Majirto wax khasaare ah oo ka soo gaaray qaraxan la fashilay shacabka magaalada , balse ciidamada ayaa xiray dhamaan waddooyinka soo gala Isgoska Gaaca intii ay ku guda jireen fashilinta qaraxan oo ay soo maleegeen Argagixisada Al-shabaab.