DEGDEG: Sagaal qof oo kasoo jeeda gobalada Baay iyo Bakool oo lagu laalayay xaafada Baraxley ee koonfurta Gaalkacyo

9 qof oo kasoo jeeda gobolada Baay iyo Bakool ayaa goor dhowayd oo caawa ah dil wadareed loogu gesytay xaafada Baraxley ee koonfurta Gaalkacyo halka mid kalane uu dhaawac u soo gaaray .

Dilka ayaa la sheegay iney geysteen maleshiyaad hubeysan oo ka careysan dil caawa Gaalkacyo loogu geystay nin dhalinyaro ah oo lagu magacaabi jiray Cali Dhiif.

Dadkaan ayaa hal meel lagu toogtay sida dad soo qaaday maydadkooda inoo shegeen waxaana hadda la keenay isbitaalka koonfurta Gaalkacyo.

Xaafada Baraxley ayaa habeenadii dambe waxaa kusoo badanayay dilalka madaxa jebiska loo yaqaano taniyo sanadkii 2009, xilligaas oo ahayd markii ugu dambeysay oo xaafadaas dilal caynkaaa ah ay ka dhacaan.

Wixii ku soo kordha kala soco Halkaan.