VIDEO-Ciidamo uu laga soo abaabuley Hargaysa oo caawa weeraray Badhan iyo dagaal ka dhacay.

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya iska hor imaad caawa magaalada Badhan ee xarunta gobolka Sanaag ku dhexmaray ciidanka ammaanka Puntland iyo malayshiyaad uu soo abaabuley madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi.

DAAWO

Dagaalkaan oo aan ilaa hadda laga warheli khasaaraha ka dhashay ayaa bilowday kadib markii malayshiyaadka ka amar qaata Muuse Biixi oo horay u deganaa duleedka magaalada maadaama ay ka soo jeedaan gobolka ay soo galeen magaalada shegeena inay ka arriminayaan.

Saraakiisha hogaaminaysa ciidankaan ayaa aqbalay go’aankii horay saraakiisha reer Sanaag u diideen ee ahaa inay ku dul dagaalamaan maatadooda, waxaana hadda jawigu yahay mid degan inkastoo shacabku weli cabsi qabaan.