Kal-fadhigii barlamaanka Puntland oo berri furmi doona iyo doorka ka qaybgalka warbaahinta oo la yareeyey.

Magaalada Garoowe ee caasimadda dowladda Puntland ayaa waxaa berri si rasmi ah uga furmi doona kal-fadhigii 44aad ee ay yeelanayaan barlamaanka Puntland tan iyo xilligii la aasaasay.

Kalf-fadhigaan oo noqon doona kii 2aad ee ay yeelanayaan barlamaanka cusub ee Puntland ayaa waxaa lafilayaa inuu si rasmi ah u furo madaxweynaha dowladda Puntland Dr Siciid Cabdullaahi Denni oo maanta dalka ku soo laabtay.

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Denni oo maanta dalka ku soo laabtay ayaa lafilayaa inuu si rasmi ah u daahfuro kal-fadhigaan oo diiradda lagu saari doono arrimaha ammaanka, dhaqaalaha, xuduudaha iyo la xisaabtanka xukuumadda.

DAAWO

Doorka ka qaybgalka warbaahinta ee kulanka barlamaanka ayaa la yareeyey waxaana madaxa xafiiska warbaahinta uu sheegay in barlamaanku casuuntay dhowr hay’adood oo warbaahineed isla markaana ay yaraan doonto warbaahinta gelayso xarunta barlamaanka.