Xaaf oo u dhoofay Nairobi Xilli Denni ku sugan yahay Itoobiya iyo xiriirkii DFS la la hayd Waare iyo Lafta-gareen oo xumaaday.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa safar shaqo ugu ambabaxay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, xilli uu sii xumaanayo xiriirka u dhexeeya madaxda DFS iyo dowladaha xubnaha ka ah.

Axmed Ducaale Geelle Xaaf madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug ayaa Nairobi waxa uu kaga qaybgeli doonaa shirar u dhexayn doona madaxda dowladaha xubnaha ka ah dowladda Soomaaliya isagoona sidoo kale la kulmi doona wakiilada beesha caalamka.

Sidoo kale inta Kenya uu ku sugan yahay Madaxweyne Xaaf ayaa waxaa uu kulamo la qaadan doonaan hay’daha daneeya dhismaha Hay’addaha dowliga madaama Villa Somalia ay siyaasadeysay Mashaariicdii Horumarineed, tan iyo markii uu soo ifbaxay isfaham-waaga ku salaysan Fahamka Niddaamka Fadarralaynta dalka sida lagu sheegay war ka soo baxay xafiiska madaxtooyada Galmudug.

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Denni oo hadda ku sugan magaalada Addis ababa ee xarunta dalka Itoobiya ayaa lafilayaa inuu u duulo Nairobi kahor inta uusan Garoowe imaan si uu ugula kulmo madaxda dowlad goboleedyada iyo wakiilada caalamka ee ku sugan Kenya.

Dhowaan ayey ahayd markii madaxweyne Xaaf Dhuusa-mareeb isugu yeeray madaxda dowladaha xubnaha ka ah dowladda dhexe waxaana lafilayaa in shirkoodii Dhuusamareeb loo bedelo magaalada Nairobi, waxaana sii xumanayaa xiriirka u dhexeeya DFS iyo dowladaha Hirshabeelle iyo koonfur Galbeed oo horay ula safnaa.