DAAWO-Maxaa ka soo baxay kulankii dhexmaray Axmed Karaash iyo saraakiisha ciidamada Af-urur.

Madaxweyne ku-xigeenka ahna ku-simaha madaxweynaha dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa kulan la qaatay saraakiisha ciidanka qalabka sida ee Puntland gaar ahaan kuwa ku sugan deegaanka Af-urur ee gobolka Bari.

Madaxweynaha ayaa ugu horayn warbixino ka dhegaystey saraakiisha hogaaminaysa ciidamada ku sugan Af-urur si uu ugu kuurgalo shaqada ay hayaan, baahiyaha ay qabaan iyo caqabadaha ka hortaagan soo afjaridda Alshabaabka ka dagaalamay buuraleeyda Galgala.

Ugu dambayn waxa uu ciidanka ugu mahadceliyey sida ay naftooda ugu hureen dalka waxaana uu u balanqaaday in xukuumadda cusub ay waxbadan ka qaban doonto baahiyaha ay qabaan gaar ahaan dhanka helitaanka mushaharka oo ay marar badan ka cawdeen.

DAAWO MUUQAAL