Ciidanka DANAB oo howlgallo qorshaysan ka fuliyey duleedka magaalada Kismaayo.

Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa DAHAB ayaa waxa ay howlgallo qorshaysan ka sameeyeen duleedka magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose ahna xarunta kumeel gaarka ah ee dowladda Jubbaland.

Wararkii ugu dambeeyey ee PI ka heshay magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamada DANAB howlgalkaan qorshaysan ka fuliyeen Araare oo ka tirsan Gobolka Jubadda Hoose, halkaas oo la rumaysan yahay in lagu diley xubno katirsan Alshabaab.

Taliyaha qeybta Ururka labaad ee ciidanka DANAB ee Gobolka Jubadda Hoose oo warbaahinta qaar la hadlay ayaa waxa uu sheegay in ciidanka ku sugan deegaanka Baarsanguuni ay fuliyeen howlgalka, isla markaana weerareen deegaanka Araare.

Dhinaca kalena, taliyaha ayaa sida uu hadalka u dhigay sheegay inuusan jirin wax khasaare ah oo ciidankooda ka soo gaarey weerarkaan oo uu sheegay inuu ahaa mid ay qaadeen kadib markii ay heleen xogo dhanka sirdoonka ah oo soo gaarey.