Maraykanka oo balanqaaday inuu sii wadi doono taageerada soo celinta ammaanka Soomaaliya.

Somali soldiers patrol Sanguuni military base south of Mogadishu, Somalia, on June 13, where African Union Mission to Somalia (AMISOM) and about 500 American forces support the Somali National Army in counterterrorism operations. (MOHAMED ABDIWAHAB/AFP/Getty Images)

War qoraal ah oo ka soo baxay kulan ay magaalada Muqdisho ku yeesheen saraakiil ka tirsan DFS, Taliyaha Hawlgalladda Milliteriga Maraykanka ka jooga Qaraadda Afrika ee AFRICOM, Jeneral Thomas Waldhauser iyo Danjiraha Maraykanka u jooga Somalia, Donald Yamamoto ayaa balanqaad loogu sameeyey ammaanka Soomaaliya.

Taliyaha AFRICOM iyo Danjiraha Maraykanka u qaabilsan arrimaha Soomaaliy ayaa waxa ay ballan qaadeen  inay xoojin doonaan Hawlgalladda Ammaanka ee lagu taageerayo Deganaanshaha Somalia iyo Dagaalka ka dhanka ah Alshabaab.

Donald Yamamoto danjiraha Maraykanka ee Soomaaliya ayaa waxa uu tilmaamay in Taageeradda ay ka geysanayaan Ammaanka Somalai inay qeyb muhiim ah ka tahay  dadaalka Maraykanka ee DFS iyo dadka Soomaaliyeed lagala shaqeynayo Ammaanka iyo Nabadda dalkooda.

Danjiraha ayaa intaasi ku sii daray in deganaanshaha iyo nabadda Somalia micnaheedu tahay Deganaanshaha dheeriga ee Mandiqadda Geeska Afrika iyo inay dadka Soomaalida awoodaan inay diiradda saaraan  dhismaha Mustaqbal Barwaaqo ah, waasida uu hadalka u dhigay.

Qaybo kamid ah Soomaaliya ayaa waxaa ku sugan boqolaal askar Maraykan ah, waxayna fuliyaan Hawlgallo ay Ciiddanka DFS iyo kuwa Hawlgalka AMISOM kaga taageeraan dagaalka ay kula jiraan Alshabaab, kaasi oo bilowday sannadkii 2007-dii.