DAAWO-Corneal Caarre oo hanjabaad u diray rag katirsan Somaliland,”Dhulku hadduu qalalo waydin soo qaqabanayaa”.

Corneal Saciid Cawil Jaamac Caarre oo haatan shir jaraa’id ku qabtay magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar ayaa gebi ahaanba beeniyay war ka soo baxay Somaliland oo sheegtay in uu debadda u dhoofayo kadib markii ay ka soo xeroodeen ciidamadii raacay.

Jananka ayaa waxa uu sheegay in uu ka been-abuurtay guddoomiyaha gobolka Sanaag ee Somaliland Maxamed Axmed Caalim (Tiimbaro”  waxaana uu wacad ku maray in haddii dhulku qalalo uu tallaabo ka qaadi doono isla markaana uu gurigiisa ugu tegi doono soona xiran doono gudoomiyaha iyo xubno kale.

Dhinaca kalena, sarkaalkaan ka soo goostay Somaliland ayaa hanjabaad u diray guud ahaan maamulka Somaliland ee uu hogaamiyo Muuse Biixi Cabdi isagoona sheegay in wixii hadda ka dambeeya uu dagaal culus ku qaadi doono kana xorayn doono deegaamada Bariga.

DAAWO