Kenya oo xirtay Xuduuda ay la leedahay Soomaaliya

Dowlada Kenya ayaa xirtay Xuduud xeebeedka ay la wadaagto Soomaaliya Bada iyo dhulkaba Gobolka Lamu.

Taliyaha Booliska Gobolka Lamu ee Dalka Kenya Mr Muchangi Kioi ayaa sheegay in gabi ahaan isusocodkii labada dhinac ay joojiyeen Arimo Amaan owgeed.

Wuxuu hoosya ka xariiqay in cidii isku daday’da iney si dhuumaslaysi ah ugasoo talaabaan Xuduuda ay Xiri doonaan isla markaasna ay waayayaan Shatigooda Ganavsiga.

“Ilaa hada waxaan qabanay toboneeyo Alaab ganacsi ah oo u badan Sonkorta Brazil” ayuu yiri Mr Muchangi Kioi¬†

Kenya waxay sheegtay iney Xuduuda u xirtay arimo Amaan awgeed balse waxaa loo badinayaa iney Arintaan ay salka ku heyso Muranka Siyaasadeed ee ka dhdx aloosan Villa Soomaaliya iyo Nairobi.

Xiriir xumada labada dhinac ayaa dib usoo cusboonaatay kadib markii Xukuumada Federaalka Soomaaliya ay Amisom ka codsatay in Ciidamada Kenya laga saaro Jubbaland laguna soo badalo Ciidan Erritria ah, intaysan Cidsigaas dirin Xukuumada Federaalku waxay Casmara kasoo dhameeyeen in ay Ciidan usoo diraan Soomaalia.

Kenya ayaa markay ka war heshay Codsiga ay Villa Soomaaliya ku dalbatay in Ciidankooda laga saaro Kismasyo ayay si adag la hadleen Amisom iyadoo Kenya ay hoosta ka xariiqdey ineysan saarayn Ciidankooda ayna Deegaankaas u joogaam Amaanka Kenya awgeed iyo rabitaanka Shacabka Jubbaland

Dhanka kalena Kenya waxay jawaab uga dhigtay Arintaan cunaqabatayn ay saareen Masuuliyiinta Dowlada Federaalka socdaalada ay ku imin jireen Soomaaliya iyo isusocodka Xuduuda oo ay xanibeen.

Puntlandi.com
Nairobi