Shirkii midnimada iyo horumarinta gobolka Sanaag oo ka furmaya magaalada Badhan.

Magaalada Badhan ee xarunta gobolka Sanaag ayaa waxaa ku sii qulqulaya wafuud kala duwan oo ka qaybgeli doonta shir looga arrinsanayo xaaladda siyaasadeed, midnimada iyo horumarinta guud ahaan gobolka Sanaag ayna ka qaybgeli doonaan bulshada gobolkaasi.

Xubnaha gaarey magaalada Badhan waxaa kamid ah wasiirka wasaaradda waxbarashada Puntland Cabdullaahi Maxamed Xassan, wasiiru-dowlaha Degaanka, Cabdirashiid Geelle, Wasiir ku xigeenka Arrimaha gudaha,Maxamed Musaddiq, wasiir ku xigeenka Warfaafinta, Cabdisalaan Siciid Faarax iyo wasiir ku xigeenka Duulista hawada iyo garoomada marwo Sucaad Saalax Nuur.

Gudoomiyaha barlamaanka Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed Dhoobo, Xil. Cali Axmed Dhahar, Xil.Cabdiraxmaan Dhoorre, Xil. Axmed Cabdi Jaamac, saraakiil ka tirsan ciidamada  Puntland, ganacsato, xubnaha Qurba-joogta degaanka, siyaasiyiin hore, aqoonyahanno iyo  hoggaanka dhaqanka oo isaga yimid magaalooyinka Damalla-xagarre, Xiingalool, Ceelbuh, Midigale, Buraan iyo Hadaaftimo ayaa waxa ay sidoo kale ku sugan yihiin goobta.

Waxxaa lafilayaa in shirkaan diiradda lagu saaro mudada uu socdo arrimaha ka taagan gobolka Sanaag gaar ahaan siyaasadda gobolka, sidii Somaliland looga saari lahaa deegaamada ay kaga sugan tahay gobolkaasi, midnimada shicibka iyo sidii laysugu tashan lahaa.

Dhowaan ayey ahayd markii beelaha degan gobolka Sanaag ay ciidankoodii kala soo bexeen guud ahaan gobolkaasi isla markaana ay ku soo biiriyeen ciidamada Daraawiishta dowladda Puntland ee ku sugan gobolkaasi.