Wasiir katirsan xukuumadda Khayre oo loogu hanjabay in maxkamad la soo taagi doono.

Masuuliyiin katirsan gudiga isgaarsiinta qaranka Soomaaliyeed ayaa eedayn u jeediyey isla markaana waxa ay sheegeen inay sharciga la tiigsan doonaan wasiirka wassaaradda boostada, isgaarsiinta iyo Tignoolajiyadda ee xukuumadda RW Xasan Cali Khayre.

Gudoomiyihii gudi hoosaadka Hay’ada Isgaarsiinta Qaranka ee dhinaca Maaliyada Cali Ibraahim Shaameey ayaa sharci darro ku tilmaamay tallaabada uu Guddiga Isgaarsiinta Qaranka uga saaray Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknoolojiyada Soomaaliya Injineer Cabdi Canshuur Xasan.

Cali Ibraahim Shaamey oo ka hadlayey tallaabada xilka looga qaaday ayaa soo bandhigay baaritaano uu sameeyey oo caddaynaya inaan wax sharci ah loo marin xilka qaadistii wasiirku ku sameeyey isla markaana uu sharciga la tiigsan doono maxkamadna soo taagi doono.

“Maadaama go’aankaaga iyo amarkaaga xad gudub cad ku yihiin Qodobada 7-aad, 10-aad, 11-aad iyo 27-aad ee sharciga Isgaarsiinta Qaranka iyo Qodobka 22-aad ee Dastuurka Qaranka waa sharci darro, sidaasi awgeed kamid ahaansheheyga xubin buxuda ee Guddiga Hay’ada Isgaarsiinta Qaranka waxba iskama bedelayaan” ayuu yiri Cali Shaameey oo qoraal soo saaray.

Shaameey ayaa sheegay inuu sii wadan doono shaqadii uu u hayey qaranka iyo umadda Soomaaliyeed isla markaana aysan waxba kajirin xilka qaadista lagu sameeyey maadaama uusan wasiirku xaq u lahayn ama uusan u marin sifo sharci ah sida uu hadalka u dhigay.

Waxaana guddoomiye Shaamey oo hadalkiisa sii wata uu sheegay “Waxaan sii ahaan doonaa xubin buuxda oo kamid ah Guddiga, ilaa Maxkamad sharci ihi go’aan ka soo saarto, waxaana sii gudanayaa Waajibaadkeyga xubinimo”.