Deegaan beereedyadii ugu badnaa ee gobolka Nugaal oo roobku go’doomiyey.

Guud ahaan gobolada Puntland marka laga yimaado gobolka Gardafuu waxaa siweyn uga hoortay Raxmadda Alle ee gu’ga xilli ay abaar muddo jiitamaysay saamayn kuyeelatay dadka, duunyada iyo dhammaan noolaha kale.

Ka sokow nimcada Alle waxaa jira deegaamo uu roobku saamayn ku yeeshay kadib markii ay biyuhu qaadeen, xoolo, guryo iyo waddooyinkii loo marijirey gobolada qaar oo go’ay loona kala gudbi waayey.

Deegaamo dhowr ah oo katirsan gobolka Nugaal ayaa ilaa bilowgii roobka go’doon kujira kadib markii ay biyuhu gooyeen qaar kamid ah waddooyinkii soo geli jirey halka kuwa kalena ay dhiiri noqdeen oo lageli waayey .

Deegaan beereedyada Shimbiraaley, Xamur, Jidnugul, Cuun, Siiga-dheer, Caanayaskax, Timir iyo Yibaayil oo dhammaan dhaca daanta Bari ee gobolka Nugaal ayaa dhammaantood go’doonsan aysanna gelin wax gaadiid ah sida ay Puntlandi u sheegeen qaar kamid ah dadka deegaanku.

Gudoomiyihii hore ee dalladda beeraleeyda gobolka Nugaal xubinna ka ah dalladda guud ee beeraleeyda Puntland Cabdixakiin Axmed Tuure ayaa xaqiijiyey in deegaamadaasi aysan gelin wax gaadiid ah kadib markii labada waddo ee kaga yimaada Nugaal iyo Karkaar ay roobabku gooyeen.

Cabdixaiin waxaa kale oo uu sheegay in dhammaan khudaartii beeraha ka soo go’ijirtey ay biyuhu qaadeen beeraha qaarkoodna ay isu bedeleen dhul bohola ah, dalagyada kaliya ee u harayna ay yihiin geed miroodka oo qaar hala koobeen.

Shalay ayey ahayd markii jeexdimaha gobolka Nugaal ay ku soo dheceen biyo horleh oo kayimid gobolka Togdheer ee waqooyiga Soomaaliya, waxaana weli xukuumadda Puntland shacabka uga digaysaa inay digtoonaadaan maadaaba roobab da’ayaan.