DHEGAYSO-Waxgaradka Sanaag,”Calanka Soomaaliyeed ayaa nala kula dirirayaa DFS-yana waa na daawanaysaa”.

Magaalada Badhan ee xarunta gobolka Sanaag ayaa waxaa ka dhacay kulan looga hadlayey xaaladda gobolka ayna ka qayb galeen odayaasha iyo waxgaradka gobolkaasi.

Ka qaybgalayaasha kulanka ayaa dowladda Soomaaliya ku eedeeyey inaysan marnaba ka hadlin duulaanka Soomaaliland ay ku soo qaaday gobolkaasi waxaana ay sheegeen in masuuliyiintii u matalayey gobolka DFS ay shaqadoodii gabeen aysan ka qayb qaadan difaaca gobolka.

Odayaasha iyo waxgaradka ayaa intaasi ku daray in waxa lagula dirirayo uu yahay inay diideen inay ka go’aan Soomaaliya inteeda kale dhiigoodana loo daadiyo difaaca calanka buluugga ah ee Soomaaliyeed.

DHEGAYSO CODKA