Suuqa Bosaaso oo xiran iyo ganacsatada oo shir deg deg ay isugu yimid

Qaybo kamid ah suuqa wayn ee magaalada Bosaaso ayaa maanta xirnaa kadib markii ganacsatadu ay sheegeen in ay dowladdu ay ku soo rogtay canshuur dheeraad ah oo garaysa 50 doolar .
Ganacsatada ayaa xirtay inta badan bakhaaradii raashinka, waxayn sheegeen in ay arintan gudi usaareen si xal looga gaaro.

xirnaanshaha suuqa waxa ay saamaysay dadkii danyarta aha ee ka adeegan jiray bakhaarada raashiinka iyo dhalainyaradii ka xamaalan jirtay suuqa.

Dowladda ilaa iyo haatan majirto wax war ah oo dhankeeda ka soo baxay oo ku aadan sababta keentay canshuurtan lagu amray ganacsatada Bosaaso.

magaalada Bosaaso ayaa xiligan kujirta waqtigii xagaaga oo dadku intabadan aya uga baxaan kulaylka magaalada gobolada kale ee Puntland.