Muxuu ka dhiganyahay Qaraarka Cusub ee  Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay kasoo saaray   Xaaladda Soomaaliya?

Qaraarka cusub ee trisigiisu yahay 2472  ee Golaha Amniga (GA) ka soo saaray xaaladda Soomaaliya 31 May 2019 waxaa loo cuskaday Cutubka 7aad ee Axdiga Qaramada Midoobay (QM) sida xusan boga 2aad  ee qaraarka  ka kooban 7 bog.

Waxaana qaraarku ugu baaqayaa Dawladda Federaalka  (DF) iyo  Dawlad Goboleedyada (DG) inay dadajiyaan xaqiijiyaan hannaan siyaasadeed oo loo dhanyahay, sida in lagu heshiiyo hannaanka wadaaga iyo maaraynta khayraadka dalka , abuuridda hannan xukun oo leh hay’ado iskorjoogteeya  iyo kala caddaynta masuuliyadaha iyo awoodaha hay’adaha amniga . Waxaa kale oo qaraarku ka dalbanayaa DF iyo DG inay ka wada shaqeeyaan sugidda amniga doorashooyinka soo socda iyagoo si dhaw ula shaqaynaya ciidamada AMISOM iyo xafiiyada kale sida xafiiska siyaasadda u qaabilka hawlgalka QM (Qodobka 1aad boga 2aad ee Qaraarka).

Waxaa isla qodobka 3aad ee qaraarku ka dalbanayaa madaxda Soomaalida inay gacan ka gaystaan fulinta qorshaha xilliga guurka (transitional plan). Waxaa kale oo xusid mudan in la kordhiyay joogitaanka ciidamada AMISOM ilaa 2020 inta laga helayo ciidan Soomaaliyeed oo awood leh, la isla ogolyahay, kharashkiisa laga bixi karo , la lana xisaabtami karo (qodobka 6aad ee qaraarka) .

Qaraarku waxa uu u muuqdaa mid wali dalka ka dhigaya mid ku jira xaalad xasilooni darro oo dhanka siyaasadda ah taas oo khatar ku ah nabadda, una baahan wax ka qabasho isugu jirta mid ciidan iyo mid siyaasadeed oo QR ku yeelato siyaasadda Soomaaliya.

Qaraar kasta oo sal looga dhigo cutubka 7aad  oo kasoo baxa GA waxa uu tilmaamayaa inay jirto xaalad khatar ku ah nabadda oo ka jirta dalka laga hadlayo sida ku xusan qodobka 39 ee Axdiga QM , una baahan wax ka qabasho si waafaqsan qodobada 41aad iyo 42aad ee isla Axdiga.

Dabcan Soomaaliya ilaa burburkii bilawgii sagaashamaadkii waxa loo cuskanayay Cutubka 7aad, balse wali in meeshii aan joogno ayaa ayaan darro ah.

Khabiirka la yiraahdo PatrikJohansson waxa uu caddaynayaa cilmibaaristiisa cinwaanka looga dhigay ( The Humdrum Use of Ultimate Authority: Defining and Analyzing Chapter VII Resolutions) in qaraarada kasoo baxa GA ee tixgelinta siiya cutubka 7aad uu si cad u qeexayo in xaalladda laga hadlayaa tahay mid khatar ku ah nabadda, ama ay jirto xaalad gardarro.

Waxaa kale uu xusid mudan, in qaraarka oo soo baxay ka gadaal fashilkii shirka Garowe iyo iyada mamulada qaar ay joojiyeen wada shaqayntii kala dhexaysay DF, waxaana muuqata in walwal badan QM ka qabto halka siyaasiinta Soomaalida dalka ku wadaan, ayna dhici karto in QM ka cabsi qabto in wixii horay usoo qabsoomay ee yaraa ay meesha ka baxaan oo khilaaf iyo xasilooni darro hor leh dalka ka dhacdo.

Arrimaha doorashada, dib u eegista dasturka, qaybsiga khayraadka IWM oo ilaa hadda noqday arrimo ay siyaasiyiinta Soomaalida ee heer DF iyo iyo DG isku mari la’yihiin waxay noqon karaan sababta riixaysa qaraarka noocaan ah, oo u muuqda mid amar duldhigaya Soomaalida, oo si cad ugu sheegaya in xaaladda dalka ku suganyahay aanu xamili karin in QM faraha ka laabato ama ku daawato Soomaalida.

Isku soo wada duuboo, waa nasiib darro in wali QM ay Soomaaliya u cuskanayso Cutubka 7aad, waxayna markhaati u tahay  inay jirto xasilooni daro siyaasadeed uu u baahan in madaxda Soomaalida u dhug yeeshaan , haddii kalena ogaadaan in la dul dhigi doono tallaabooyin dalka looga badbaadinayo  fal-fal xumadooda sida in saan arki jirnay la dul dhigo khariidad ama tub ay ku shaqeeyaan  (road map )xilliga ay soo dhawaato doorashada 2020.

W/Q: Saalim Said Saalim. 

Wabillaahi Tawfiiq.