Ciidamo ka tirsan Daraawiishta Puntland oo shir gaari ku dhaawacmay

Inta udhaxaysa  Bosaaso iyo deegaanka Laag oo 40 kmtr dhanka koonfureed kaga beegan magaalada  ayaa waxaa caawa ka dhacay shir gaari oo sababay dhaawaca afar askari oo ka tirsan ciidamada Daraawshta Puntland.

Ciidamada ayaa ku soo jeeday magaalada Bosaaso, waxayna ka soo amba baxeen magaalada Garoowe ee caasimada dowladda Puntland.

 

Dhaawac askarta ayaa waxaa loo qaaday Isbitaalka Bandar Qaasim ee magaalada Bosaaso, halkaas oo xaaladooda caafimaad lagula tacaalayo.

Shilalka gaadiidka ayaa mudooyinkii udambeeyay deegaanada Puntland ku soo badanayay, waxaana udambeeyay shil gaari oo sababay dhimasho iyo dhaawac oo xalay ka dhacay tuulada Libaaxo oo 80 kmtr ujirta magaalada Garoowe waxaana shilkaasi ku dhintay saddax qof.