DEG-DEG: Qaramada Midoobay oo safiir cusub usoo magacowday Soomaaliya

Safiirkii hore Maraykanka ee Soomaaliya sidoo kalena kasoo shaqeeyay dalka Kongo, James Swan, ayaa loo magacaabay inuu noqdo safiirka cusub ee Qaramada Midoobay uqaabilsan Soomaaliya.

Safiirkaan ayaa badelidoona safiirkii hore ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Nicholas Haysom, kaasoo afar bilood kahor ay ceyrisay xukuumada Villa Soomaaliya.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres ayaa khamiista maanta ah siidaayay warqada magacaabida James Swan.

Swan, ayaa sidoo kale, soo noqday Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka u qaabilsan Afrika iyo Safiirka Jabuuti.

Puntlandi.com