(SAWIRRO) Shil gaari oo geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh oo ka dhacay gobolka Bari

Shil gaari oo ka dhacay wadada u dhaxaysa Carmo iyo Carta ee gobolka Bari, ayaa geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, sida ay warsidaha Puntlandi uxaqiijiyeen goob joogayaal ku sugnaa aagu shilku ka dhacay.

Shilkaan waxaa galay gaari nooca rikaabka iyo Booyad, gaariga buska ah ayaa ku socday magaalada Garoowe kana yimi Bosaso.

Illaa hadda waxaa shilkaan ku dhintay 3 qof, dhaawacuna waa 12 qof inta la keenay isbitaalka Bilcil ee Carmo.