Maxaa sababay in Wasiir Goodax uu isku dayo inuu farafareeyo Qaab waxbarasheedka Puntland, akhriso sababta

A school boy writes on the blackboard in a school in Puntland. 

Waxaa Muqdisho laga yaqaan habdhaqan ah in Soomaaliya oo dhan ay Muqdisho tahay, Hadii cid horumar gaaraysana ay Muqdisho u hiraysaa

Hadaba Hay’ada Caalamiga ah ee Waxbarashada ka taakulaysa Wadamada ay Dagaaladu saameeyaan ee loo yaqaan The Global Partnership for Education, ayna taageeraan Wadamada Horumaray ayaa in mudo ah waxay Waxbarashada ka caawinaysay Soomaaliya guud ahaan, qaybtii loogu talagalay Taakulaynta Waxbarashada Puntland ayaa noqotay mid aflaxda oo siwanaagsan ay uga faa’iideysteen Wasaarada Waxbarashada Puntland.

Dadaalkii ay Wasaarada Waxbarashada Puntland ay uga faa’iideysatay Kaalmadaan ayaa dhalisay in ay Puntland salka u dhigaan nidaam adag oo Waxbarasho (Manhajka waxbarashada).

Hay’ada The Global Partnership for Education waxay aad ugu riyaaqday ayna aqoonsi buuxa ay siyeen Habka waxbarasho ee ay Puntland dajisteen ayna Salka u dhigeen.

Warbixin ay Hay’adu soo saartey Todobaadkaan ayay ku sheegeen in mustaqbalka ay Puntland uga dayanayaan qaabka ay u fariisiyeen manhajka waxbarashada, Mashaariicda Hay’ada ee mustaqbalka ay  ku caawinayaan Wadamada ay Dagaaladu saameeyaan, Puntland na ay tusaale lagu daydo ay noqotay.

Meelo badan oo Soomaaliya ka mid ah ayaa la musuq maasuqay lacagtii loogu tala galay waxbarashada halka ay Puntlan ka faa’iideysteen, Deegaanada ay Dowlada Fedetaalku masuulka ka ahayd ama magaciisa ay ku dhaqaale doontaan ayaa kamid ah meelaha khasaaray, waxaa kamid ah Gobolada Banaadir, Hiiraan, Galgaduud, Shabeelayaasha, iyo Gedo,

waxaana dhowr jeer ay Hay’adaha taakuleeya wax barashada ay Dowlada Federaalka u sheegeen iney ku daydaan Puntland ayna ka faa’iideystaan khibradooda,
Sida aan warar ku hayno dhowr jeer ayaa sharuud looga dhigay wasaarada Waxbarashada Dowlada Federaalka iney Puntland siminaar u aadaan si markaas kadib loogu aamino dhaqaalaha lagu taageero Waxbarashada goobaha ay Xukuumada Federaalku sheegaan iney iyagu gacanta ku hayaan.

Wasiirka waxbarashada Federaalka Goodax Bare markuu hada wasaarada yimid ayuu bilaabey in uu farafareeyo Nidaamka Waxbarashada Puntland oo dhagihiisa ka badbatay, laakiin Mudane Wasiir wuxuusan ogay in Puntland ay ka faa’iideysatay jaanis ay Soomaalida kale ka lumiyeen kuwo sidiisa u fakaraya, oo aan ka fakarayn mustaqbalka Caruurtay dhaleen mooyee Caruueta Soomaaliyeed ee kale ee ay u dhaartaan iney matalayaan.

Linkiskaan hoose ka akhriso warbixintii u dambeysay ee The Global Partnership for Education ay ka qortay Puntland.

https://www.globalpartnership.org/blog/puntland-role-model-other-regions-emerging-conflict

Puntlandi.com
Garowe