DEG-DEG: Puntland, Hirshabelle iyo Koonfur galbeed oo shir iskaashi ah uga furmay Garowe

Garowe (Puntlandi) Dowladda Puntland, dowlad goboleedka Koonfur-galbeed iyo dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa shir goor dhowayd uga furay xarunta wasaaradda maaliyadda Puntland ee Garowe, halkaas oo saxaafada looga yeeray caawo bacdalka afurkii.

Madaxweynayaasha Saddexda ayaa kalmado koob kooban jeediyey waxayna sheegeen in ujeedada shirkoodu uu yahay iskaashi saddexda dhinac dhexmaraya iyo wax wada qabsi.

Goordhow ayaa lafilayaa in ay soo-saaraan war-murtiyeed.