Madaxweynaha Puntland oo Sagootiyey Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya .

Garoowe, May, 12, 2019: Madaxweynaha dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta garoonka diyaaradaha Gen. Maxamed Abshir ee caasimadda Garoowe ku Sagootiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo oo muddo sagaal cisho ah Garoowe u joogey shirkii Wada-tashiga Madaxda Soomaaliyeed.

Sagootinta weftiga Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa qayb ka ahaa Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha dowladda Puntland, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland iyo masuuliyiin kale.

-DHAMMAAD-