DEG-DEG: Maxkamada gobolka Nugaal oo dil ku xukuntay saddex kamid ah dadkii loo haystay kiiskii Caa’isha

Gudoomiyaha Maxkamada Darajada Koowaad ee dagmada Garowe Shiikh Cabdinuur ayaa Ku dhawaqay go’aanka Maxkamada ee Ku Aadan Kiiska Caasho Ilyaas Aadan.

Waxaana 3 Eedaysane ee kala ah Cabdifataax Cabdirahman Warsame,Cabdisalaan Cabdirahman Warsame iyo Cabdishakuur Maxamed DigeĀ  lagu xukumay dil toogasho ah oo ay fulinayso dowladda Punland.

Garsoorku waxa uu sheegay in Xukunka uu ka furan yahey Racfaan mudo Bil ah.

Waxes kale oo ay Maxkamadu fasaxdey 7 kale ee Eedaysanayaasha ahaa oo ay Ku tilmaamtey kuwo aan danbi lahayn.