TALIYAAL KA MIDA CIIDAMADDA BOOLISKA SOMALILAND IYO ASLUUBTA OO GOOR DHAWAYD LAGU DILAY DEEGAANKA GAR-ADAG

April 29, 2019

Warar hadda aanu ka helayno deegaanka gar-adag ee gobalka Sanaag ayaa waxaa ay sheegayaan in la dilay taliyihii Xabsiga degmada Gar Adag ee Somaliland iyo Taliye ku xigeenkii Rugta Booliska ee degmada Gar Adag

Saraakiisha la dilay oo kala ahaa :

1.Gashaanle Cabdilaahi Axmed Tallan, Taliyihii Xabsiga degmada Gar-adag ee Ciidanka Asluubta.

2. Laba Xidigle Nuur Aw Cali Nuux, Taliye ku xigeenkii Saldhiga Booliska ee Degmada Gar-adag.

Labadan taliye ee la dilay ayaa  la sheegay in magaalada Gar Adag kaga baxeen qaab dhuumasho ah kadib markii magaladaasi ay ka bilaabmatay mudaharaad-yo lagaga soo hor jeeda muwaadin magaaladaasi u dhashay oo shalay ku dhex dhintey xabsiga magaalada Ceerigaabo

Wararka ayaa sheegaya in labadan taliye ay dileen meelishiyaad beeleed ka soo jeeda reerka uu ka soo jeedo marxuumka shalay dhintey kuwaas oo u galay deeganka Bancade oo u dhaxeeya Gar Adag iyo Magaalada OOG.

Labadan Taliye ayaa kasoo jeeda Beesha Gudobuursi ee Gobolka Awdal.